Jacayl aayatiin leh baan,
Abuurroo waad ogayd oo... “Intaan uduubkiisi muday baan,
Ilaashoo waan adkeeyoo,
Abaydin sidii u dhowree. “Markaan ku lahaa Ugaasooy,
Ujeedo fog baan lahaa,
Afefo dantaan lahaa,
Amaanada dhowr lahaa.”“Markuu ubaxii is gaadhay,
Markuu intifaacsi joogo,
Maxaa uur-xumada keenay?
Maxaa oorida ninkeedi,
Ablayda u sahanayaayo,
Weliba asaraar ku duulkyo,
Maxaa eed ii xambaarsay?”