marwooydin kala gudi
dharaar qudha isma odhan
waxa dhici isfahan waa
dhexdiina dad soo gali
marna iguma soo dhicin
labadii idku dhaadan jiray
jacayl isku dhawran jiray
nasiibkaa dhantaalayoo
hoy inaan ka dhistay ahayd
wixii dhacay way dhaceene
hayeeshee dhugo waanada
inaa wada dhalashadaiyo
walaalnimadii dhamaa